Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Taariikh Soomaliyeed, waagi Faraaciinta ila iyo Dagaaladii Sokeeye

Read The 20 Century Abtirsiga Soomaliyeed Sheekooyinkii  Kun Habeen iyo Habeen KU BARO COMPUTER-KA AFKAAGA HOOYO RAAXADA GUURKA SHEEKOOYIN QOSOL AH, IYO MUDA DAALO TOGDHEER.4T.COM not for news Maxaa lala kulma geeri kadib...! Togdheer.4t.com Hoyga Heesaha soomaliyeed Maqaalo Xiiso Badan MUCJISADII DAHSOONAYD waa sheeko dhab ah QAADKA  IYO DHIBAATOYINKIISA Ganacsiga, Guurka iyo Wax yeelada Taariikh Soomaliyeed: Waagi Faraacinta ila iyo Dagaladi Sokeeye WAAX MAXAY JACAYLKU MA IS WAYDIISAY WALI? Warar Goos-Goos ah. XUSUUSNAW  WALIGAA Breaking the Magician's Code: Magic's Biggest Secrets Finally Revealed Silsilada Ururada Diiniga Ah ee Somalia Guest Book Welcome To My Homepage Welcome To My Homepage Welcome To My Homepage



      TAARIIKHDI HORE EE SOOMAALIDA                                                                                    

Waxaa hubaal ah inay luntay taariikh badan oo Soomalida dhaxal-gal noqon lahayd, taaso sababta ugu wayni ay tahay qoraal la,aanta aanay dadka  soomaaliyeed wax qori jirin, Taariikhdii hore ee soomaalida waxaa ka hadhay  dhawr sheeko oo dhulka soomaalidu degto laga wada yaqaan sida " Araweelo" ookale, Gabayada xilliyadan danbe la qoray waxay u badan yihiin suugaantii qarnigii 19_aad. intaa dabadeed waxa jira, qoraalo la isku raacasan yahay ,oo wax ka sheegay ama ka tilmaamay deegaanka soomaalidaa.

Faraaciinta iyo xidhiidhkii ay soomaalida la lahaayeen ayaa ka mid ah waxyaabaha waxyaabaha la isku raacsanyahay ee qoran. waxaa la ogsoon yahay oo kale in carabtu muddo aad u fod xidhiidh ganacsi la lahayd dadka soomaaliyeed ee xeebaha dgenaan jiray waxaa kaloo ka mida dadkii xidhiidhka la lahaa geyiga soomaaliyeed Bershiyanka iyo Hindida.

Xilliyadaa ay dadkaasi ganacsiga ugu iman jireen carriga soomaaliyeed, maaha 100 sanno ka-hor ee waa 1000 sano iyo intii ka horaysay.

Dadkii faraacinta la odhan jiray oo ku noolaa dhulka imika loo yaqaan masar waxay lahaayeen aqoon ilaa maanta laga yaaban yahay oo aan si fudu lagu ogaan karin, waxaa tusaale kaaga filan Ahraamta weli uu taagan yahay dhismahoodi iyo dawadii ay marin jireen maydka boqoradooda.

Dad-kaa faraacinta la odhan jiray mudooyinkan danbe waxaa soo baxaya doodo odhanaya dadka faraacintu waxay ka soo jeedaan asal ahaan dadka soomaaliyeed, waxay-na markii horeba ka yimaadeen deegaanka soomaalidu degto oo ay u yaqaanaan Puntland.

Aragti kale ayaa tilmaamaysa in dadka soomaaliyeed asal ahaan ka soo jeedo dad ka soo guuray dhulka carabta. Dadkaasoo dhex-galay dadkii asal ahaan u degenaa geeska afrika.

Bulshada asal ahaan u degenayd geeska afrika oo ah dadka la yidhaahdo Galla, waa bulsho aad u balaadhan oo aan odhan karo waa bulshada ugu badan geeska afrika Aragtidaasi waxay sal uga dhigaysaa sidan soo socota.. " Dadka soomaaliyed waa dad kasoo guuray dhinaca koonfureed ee carabta, waxaanay ahaayeen asal ahaan presemitic Cushite, kuwaasoo raad kaga tagay dagaanka la yidhaahdo Dhofar, meeshaas oo ay degenaan jireen boqoradii Himyiratic.

Ilaa xiliyadan danbe wuxuu raad kaga hadhay "Dhofar" waxayna ku hadlaan lahjad ka soo jeeda afkii dadkii la odhan jiray Himyiratic. Dadkii la odhan jiray sabaens iyo minaeans, waxay qabsadeen xeebta koonfureed ee dhulka carabta xilligii silmon ( 1000 C. H )si joogta ah ayay ugu gudbi jireen dhinaca kale ee xeebta afrika.

Arrinku si kastaba ha ahaadee waxaa marag-madoonto ah in geyiga soomaaliyeed soo maray mar-xalado kala geddisan xilliyo aad u kala fog. Boqortooyadii moscha (mokha) ayaa taariikh dheer ku leh xeebaha soomaaliland, sebenadaas oo geddislaydu ka kala iman jirtey dhinac kasta bari, galbeed,woqooyi iyo koonfur waana xilliga dadkii la odhan jiray Himyiratic ay dhankasta u kaceen ilaa hindiya iyo madagaskar Xilliyadaa aynu wali ku guudo jirno waa taariikh ku siman 1000sano, iyo intii ka sii horaysay. Sidaa darteed akhristaw ma fududa sida sawir dhaba loo helo oo ku saabsan sebenedaas tegtay waxayse u baahantahay daba gal si aqooni ku dheehantahay, waxay u baahantahay dadaal dheeraada, gaar ahaan taariikhyahanada soomaaliyeed.

Hadaba si loo helo qoraalo la tix raaci karo oo jiilka danbe ka faa idaysto ilaa imikana waxaan ku jirnaa guud mar aan ugu talo galay inaan sawir guud ka bixiyo dadyawgii soomaalida xidhiidhka la lahaa iyo asalka dadka soomaaliyeed halka uu ka soo jeedo, oo si guud ahaaneed ah.

Maadaama aan soo mudan inaan sheego dakii la odhan jiray Phoenicians-ka. Dadkaa waxaa la rumaysan yahay inay socdaalo ku tegeen dhulka soomaaliyeed gaar ahaan somaliland xeebeheeda iyo gudaha dalkaba Phoeniciansku waxay ahaayeen dad ku caan baxay socdaalo dhaadher oo ganacsi, degaanka ay degenaan jireen waxaa ka mid ah dalka imika loo yaqaan suuriya, inkastoo aanay halkaaso kaliyah degenaan jirin.

Intii u dhaxaysay qarnigii 4-aad ilaa 7-aad waxay jasiirada socotra xarun muhiim ah u ahayd kaniisad la odhan jiray nestorian chruch.Kániisadaasi waxay baa,baday markii islaamku ku xoogaystay degeenka jasiirada socotra iyo xeebaha somaliland qarnigii 8aad. ¤

XIDHIIDHKII SOOMAALIDA IYO FARAACIINTA

Faraacintu waa dadkii ku noolaa dalka haatan imika loo yaqaan masar Dadkaasi waxay ka tageen raad la raaci karo oo ilaa maanta aan laga gun gaadhin, waxaa yaab leh aqoonta ay dadkaasi lahaayeen iyo quwada ay ku dhisan dhismayaasha waawayn ee la yidhaahdo Ahraamat.

Runtii maaha wax si yar lagu agoon karo aqoonta ay dadkaasi lahaayeen, ilaa xiligan aqoontu heerka sare gaadhay, waxbadan ayaan la helin xaqiiqdu siday ahayd. Hadaba dadkaa faraacintu oo dhulka masar ka talinayay muddo 2767 sanno ah. waa mudadii u dhaxaysay 3100 C. H.333 C.H waxay xidhiidh la lahaayeen dhulkii ay u yaqaaneen uduga, dhulk-kaaso ah geyiga gayiga soomaaliyeed xeebihiisa.

Mudadaa faraacintu ay ka talinayeen dhulka masar oo aad u kala fogayd waxaa so maray boqqoro farabadan waxaanay ahaayen 178 boqor oo xilka u kala danbeeyay. Sidaa awgeedxidhiidhka ganacsi ee ay faraacintu soomaalida la lahayd wuu kala duwanaa, wuuna kala muhiimsanaa.

Boqorkii la odhan jiray saaxawrac oo ahaa boqorkii 32-aad wuxuu xeebta geyiga soomaaliyeed u diray dooni sida alaabo farabadan, doontaasina waxay soo noqotay iyadoo sida am ay ka buuxdo beeyo iyo Foox.

Faraacintu gayiga soomaaliyeed umay aqqon magaca aynu maanta isu naqaano ee waxay u yaqaaneen magacyo kala duwan sida dhulkii uduga , dhulkii ilaahyada iyo dhulkii muqadaska ahaa Inkastoo ay badnayd socdaaladii dhexmaray Faraacinta iyo soomaalida waxaase jira dhawr socdaal oo faraacintu ku yimaadeen dhulkii uduga waxaana ka mid ah safarkii ay soo dirtay boqoradii Xitshabsuud. Boqoradaasi waxa amray wixii ay caabudi jireen mid ka mid ah oo la odhan jiray Aamuun, wuxuu boqorada ka codsaday inay safar u dirto dhulkii udduga ( Gaar ahaan Somaliland ) safarkaasoo ka koob-naa doonyo farabadan, waxaa doonyahaa lagu sii raray alaabooyin kala jaad jaad ah. '

Mar hadaynu wax ka taabanay xidhiidhkii faraacinta iyo soomalida taaso laga qori karo buugaag aad u fara badan oo aan lagu soo koobi karay Buug iyo laba toona, ayaad beryahan danbe waxaad moodaa inay xiiso gaar ah yeelatay xidhiidhkii soomaalida iyo faraacinta ka dhexeeyay, sababtoo ah waxa soo baxay dad soomaaliyeed oo baadhitaan ku sameeyay afkii faraacintu qori jireeni iyo taariikhdoodiba waxay taasi dhalisay in ay soo baxdo dood odhanaysa faraacintu asal ahaan waxay ka soo jeedaan dadkii deggenaa dhulkii Udugga dadkaasoo ah dadka soomaaliyeed , doodahaasi waxay ku gun-dhig uga dhigayaan doodooda, markii la macneeyay afkii faraacintu qori jireen.

Ereyo badan oo la helay dhawaaqooda ayaa macno ahaan aad ugu dhaw ereyo soomaaliyeed. afkaa faraacintu maanta waxaa jira dad soomaaliyeed oo bartay, dad-kaas ayaa fududeeyay in wax laga ogaado isu egaanshaha afka soomaaliga iyo ka faraacinta Dhinaca afka oo kaliyah maaha sababta ay usoo baxday dooda odhanaysa dadkaa la odhan jiray faraacintu waxay asal ahaan ka soo jeedaan soomaali, ee waxaa jira waxyaabo kale oo uu ka mid yahay dhaqanka oo soomaalida dhaqankeeda u dhaw.

SOMALIA DIB MA U DHALAN DOONTA ?

hadal kooban

Soomaalida wuxuu Eeebe ku manaystay dal hodan ku ah cimiladiisa iyo khayraadkiisa dabaciiga ah, kumase manaysan dad yeesha xigmad iyo daggani ay si buuxda uga faa idaystaan .

Dalkaan waxaa loogu sed-buuriyay xeebta ugu dheer Afrika, kumanaan mayl oo ah bad ay dhex ceegagaan khayraad aan la dhamayn karin. waxaa loogu deeqay wabiyaal sannadka oo dhan butaacaya iyo dhul beeraad wax kasta ´ka bixi karaan , Waxaa loogu roonaaday xoolaha nool oo kadinkii aad ka gashaba dhooban, waxaa sahamo badan loogu hubiyey in ay dhulkaan hoos jiifto macaadin nooc walba leh oo ay ka mid yihiin batrool fara badan, yuraaniyoomka qaaliga ah iyo gaaska dabeeciga ah, wuxuu leeyahay cimilo sanadka oo dhan dhexdhexaad ah oo aan lahayn dhaxan iyo kulayl badan midna. wuxuu ku yaal meel juquraafi ahaan istiraataji ah, halkaas oo ay ku yaalin marino badeed oo dunida muhiim u ah.

Maxayse kuugu taala , mee dadkii ka faa,idaysan lahaa !! Waaxaas oo nimco ah ayaa maalin kasta macluul loogu dul dhintaa. Dalka barwaaqadaasi taal ayaa dadkiisi caruuru, ciroole iyo haweenba ka carareen cari ayn garanayn u qaxeen. Cududii khayraadkan ka midha dhalin lahayd waxaa la isugu dhiibay hubka wax gumaada, waxaa loo hor kacay in ay is gubaan .

Maskaxdii horumarka ka fakari lahayd halaag ayaa loo waciyay waxaa lagu mashquuliyay xitan qabyaaladeed xukun doon indho la,aan iiyo xusul duub xoolo lagu helo jid xaaran ah. taas ayaa laga dhigtay hab nololeed lagu tartamo halkii lagu tartami lahaa hindise caqli ku dhisan yahay iyo hori marin tacab dhalin ku dhisan tartanka nooca ah oo ay horseedeen hogaanka siyaasadu. markuu sii socdaba dalku haadan buu ku sii hoobanayay ilaa uu ku wada dhacay , dadka dadnimadiisu way sii burburaysay ilaa ay gaadhay heer maanla,aan buuxda maryahay la dhigto , heer dunidu ka war hesho umadda wada jir u waalatay (somalia) hoygii ay ku noolayd dab galisay ku dhex gubanaysa , kaaga darnaanta aan dareensanaynba !

QABYAALADA;

Hadii aynu eegno qabyaalada wadankeena ka jirta (Somalia ) waxaynu odhan karnaa waa qabyaalad aad iyo aad aanu ugu khasaarnay oo wadamadii inala dariska ahaa inugu qosleen oo aduunkii magac xumo inoo gashay qabyaaladaas oo aanu sida xaarka isugu dhamuuqnay.

Hadaba hadii aanu isku dayno inaan ka warano waxyaabah ugu wacan somalia inay sidan noqoto waxaan odhan karaa aniga oo hadalkayga si cad u sheegaya waxaa ugu wacan waxa weeyaan mucaamalo xumo qabyaalad iyo jihaadkii oo laga cararyo... fadlan dadka soomaaliyeed waxaan ugula talinayaa inay iska dhaafaan dhaqan xumadan ay wadaan waayo iyada oo ay somaliland ka sarayso haddana sida uu DAAHIR RIYAALE KAAHIN ku helay NABADA iyo sida uu cabdilaahi yuusuf ku raadinayo laba is leh maaha ayaan u malaynayaa cabdi laahi yuusuf in kasta oo uu jabhad milatary ahaa ninkasta oo military soo ahaan jirray oo madaxtinimo qabtaana badana lagu ma raayo madaxwaynhaas oo kale.

Qodobka ugu wayni ee soomaali ugu wacan qabyaalada waxa weeyaan madaxtinimada waayo madaxwayne marka uu ka dhaco madaxtinimada inuu yidhaahdo mid qabiilkiisa ka tirsan war kaalay adigu qabso , hadaba walaalyaal hadii ay dawladu sidaas ku socoto oo ay ku caan baxdo qabyaaladas foolxumada leh waxaa kaloo imanaysa in uu qabiil kastaaba uu yidhaado ninkan ila qabiilka ah ayaan ugu ridayaa ama isaga ayaan la doonaya madaxtinimada, markaa halkaa waxaa ka cadaanaysaa inuu qabiilku qabiilka kale ku taagsado...mmmmmmm

YAA RIDAY DAWLADII MAXAAD SIYAAD ( bare)

Madaxwayne Maxamed Siyaad wuxuu ahaa nin marka laga bilaabo maaliintii uu xukunka dalka hantiyay 21kii oktober , 1969 tan iyo maanlintii laga tuuray xukunka janaayo 27,1991, hadba xeelado kala duwan ku ayaama gaara, wuxuu ahaa nin aan aqoon wadan oo wax walba ku dayay : somalinimo, carabnimo, afrrikaanimo, ciidanimo, xisbi ahaan, hantiwadaag ,laba kaclayn, laba gadoon , u tuuta gashasho ,hanti goosad, ul yar u qadaasho ,kala qalajin, hanjabaad ,dhabarjabin,qabiildiid, oday odayeen qabiil ku shaqaysasho iyo in ala inta tab ah oo uu is lahaa ayaamo ayaad ku sii daaqi doontaa marka laga bilaabo sanadahii uu horeeyay ta iyo bartamahii sideetaanadkii wuxuu ilaa iyo xad soo dhawaystay qabiilka uu ka dhashay ee (mareexaan) iyo labada qabiil ee ogaadeen iyo Dhulbahante. Markii uu xooray Axmed Sulaymaan wuxuu waayay qayb wayn oo ka mid ahayd Dhul bahantaha.

Laakiin Dhulbahantuhu waxay ku fiicnaayeen oo ay ku amaana yihiin marnaba hub inta aý gurteen jabhad ma aysan samaysan amxaaro iyo meel baasna may aysan aadin. markii ay isku kaceen isaga iyo aadan gabayaw dabayaaqadi 1988 oo ka dibna uu xabsiga dhigay wuxuu maalmahaasba waayay kalsoonidii ogaadeenka oo waa tii ay baxeen oo ay samaysteen jabhadoodi ay ugu magac dareen SPM. sanadkii 1989kii waxay ninkaas talada xumaa isku soo hareen oo ummada soomaaliyeed isugu danbeeyeen qaar ka mid ah qabiilka uu ka dhashay mareexaan oo kuwo farabadan oo ay ka mid ahaayeen reer dalalka hore isu waayeen.

Intaas kuma uusan joogine ee bilawgii sanadkii 1990kii wuxuu maamulkii gaashaandhiga iyo gaar ahaan umuurihii xerada 77 ka wareejiyay maslax isago oo u dhiibtay morgan. arrintaas waxay aad uga xanaajisay xoogi ugu danbeeyay ee ninkaas waayahaas danbe talada ku hayay iyo qabiilkuu isagu ka dhashay. Dawladii maxamed siyaad waxay ahayd dawlad ay iska hor yimaadeen dadwaynihii iyada hoos imaanayay, waxaana dhacday inuu maalinba qabiil ka mid ahi qabiilada soomaaliyeed dibada u baxo oo hubka gurto . Qabiilkii ugu horeeyay ee ay dadkiisu iska hor yimaadaan wuxuu ahaa qabiilka Majeerteen oo 1979 samaysatay jabahad magaceeda la yidhaah SSDF.

Waxaa ku xigay qabiilka isixaaq ( ISAAQ ) ee goboladda woqooyi daga , waxayna sanadkii 1981kii samaysteen jabahad la magac baxay SNM.

Waxaa iyana ku xigay qabiilka Ogaadeen oo 1988kii samaystay jabhada SPM. waxaa ugu danbayntii hal sano iyo bar intaysan dawladaasi dhicin jabhad samaystay qabiilka Hawiye oo isna jabhadiisa ula baxay USC uu hogaaminayo caydiid. Ugu danbayntii sanadkii 1990 iyadoo dhibaatadii dalka ka jirtay sii badatay oo xitaa caasimadii dhamayd ay noqoqay nal,aan, biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan Bangiyadii ay baaba,een sicir barakii boqolkiiba dhawr boqol isku taagay oo waxba walba isku dhalaaleen oo xitaa urur siyaasi ah oo "manifeisto" la yiraahdo odayaal soomaaliyaad oo qabiil walba leh magaalada bartankeeda ku sameeyeen , waatii dadku bandaw sameeyeen talo-xumadii iyo farsamo-xumadii dawlada awgeed , waatii markuu dadku hubka gurtay oo madaxtooyadii la weeraray.

Hadaba su aasha is waydiinta mudani waxay tahay , sidee baa looga adkaaday maxamed siyaadkii dhamaa ee haystay dawlada wax walba haystay ,ciidamo bad,daayuurado, taangiyo, madaafiic iyo wax walba.? ¨ Jawaabtu waa dhawr arimood.... Mar haddey meel ka dhacdo xaq daro cid ala cidii xaq daradaas la dagaalantaaba waxay noqdaan dad xaq ku diriraya, xitaa inkasta oo aynu aragnay inay jabhadii soomaaliyeed ahaayeen kuwo laftigoodu aan xaq ku socon waliba kasii liita maxamed siyaadkey doonayeen inay badalaan kuwaasi marka ugu horaysaba kuwo cadawgii ummada u tagay oo xaq daro adeegsanaya ayeey ahaayeen, waxay ahaayeen xaq daro xaq daro ku badal, qabyaalad qabiil ku badal.

Hadana cid ala cidii ka hortagta xaq daro waa la hubaa inay ka guulaysanayso oo ay liibanayaso, xaq daro sida la wada ogsoonyahay lugo ad-adag oo ay ku taagan tahay ma leh oo ugu danbaynta ma noqoto mid sii taagnaata, Ninka shalay somaliya madaxwaynaha u ahaa wuxuu ahaa nin talada xumadiisa iska dhaafe cid kale ee mushaharo u waayay kuwii isaga ilaalinayay,ciidamadii koofiyad guduudka lagu magaacabi jiray.

Nin farsamo xun mar haduu talada hayo mudo kasta oo uu meel joogo wixiisu waxay noqdaan wax dabada ku furan oo aan meel gaareen. Waxaa ninkaa madaxweynaha ahi ku hareersanaa niman uu wasiiro iyo madax sare ka dhigtay oo ay talo xumadiisu keentay inuu reerahooda ku bixiyo sidii amxaaradii ciidamo iyo saraakiil aan cilmi garaadba lahayn sidii dhaga-bacayr oo kale oo isagu ahaan jiray ninkii maxamed siyaad dharka u dhaqi jiray.

 Bilawgii Mucaaradka.

Feb. 1980kii ayaa niman mucaarad ah oo Addis Abab isugu tegay ayaa waxa ay aasaaseen jabhad mucaarad ah oo la odhan jiray Jabhada Badbaadinta Soomaliya SSF (Somali Salvation Front). Marka laga bilaabo maalintii SSF la aasaasay, nidaamkii Dawladu wuxuu isu badalay qabiil. Inkast oo SSF qabiil fara badani ku jireen, haddana raga doorka ugu wayn ka ciyaarayay waxay ahaayeen Majeerteen. Sidaas darteed, Maxamed Siyaad Barre iyo siyaasiyiinti ku hareeraysnaa waxa ay is tuseen in cadwga ugu wayn ee xukunkiisa carqalada ku ahi uu yahay Majeerteen. Waxaa kale oo ay aad u aaminsanaayeen in reerka Majeerteen ku duulaan yahay kursiga M.S. Barre.

Inkasta oo M.S. Barre waqtigaas Majeerteen cadawga ugu weyn u arkaayay, waxa bilawgii sideetamaadkii dhinaca woqooyiga Somaliland kaga soo furmay mawjad cusub oo mucaarad ah. Kaddib markii Isaaqi Woqooyiga deggena cadaadiskii iyo cabudhintii siyaasadeed kusii badatay iyo Ogaadeenkii qaxootiga aha ee agagaarka Hargeisa la dajiyay khilaafkoodi sii kordhay. Qaxootigaas oo dagaalkii 1977kii ee Soomalida iyo Xabashida dhex maray kasoo qaxay, mudadii ay dhulka Isaaqa soo degeen waxaa la sheegay in gacmo furan lagu soo dhaweeyay, hase ahaate, ka dib markii Dawladu qaxootigii arrimo siyaasadeed oo Isaaqi meesha degenaa sheegay in basaasid iyo dhulbalaadhsi iyo darajooyin xaq darro ah la siiyay Ogaadeenka meesha qaxootiga ku ahaa, ayaa hadana Isaaqi meesha degenaa waxay dareemeen in dhulkoodi laga dhaxal wareejiyay.
Waxa kale oo ay Isaaqi is tuseen inaan qaxootigaas meelna u socon ee M.S. Barre doonayo inuu dhulkooda uga qaado.

Khilaafkaas xaga qaxootiga ah iyo waliba arrimo kale oo Isaaqu Dawlada u tirsanayeen waxa ay keneen in kulan lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Sucuudi Arebiya 1981kii laguna dhawaaqo jabhad cusub oo mucaarad ku ah Dawlada Maxamed Siyaad Barre. Jabhadaas oo lagu magaacabay Jabhada Dhaqdhaqaaqa Soomaliyeed amaba Somali National Movement (SNM). Abuuritaanka SNM wuxuu keenay in Isaaq badani gaar ahaan dhalinyaradii ay jabhadaas ku biireen. Maamulkii SNM hogaaminayay iyaga oo ka faa,idaysanaya xidhiidhkii xumaa ee M.S. Barre iyo Minguste Xayle Mariam ka dhexeeya, waxaa ay saldhig ururka u doorreen dalka Itoobiya.

In kasta oo waqtigaas M.S.Barre awoodiisi xukunka waddanka farahiisa ka baxday gaar ahaan gobolada woqooyiga iyo gobolada dhexe, dadkuna ay baryihii danbe ku naanaysi jireen " Duqa Magaalada Muqdisho " amaba " The Mayor of Mogdisho ", hadana way ku adkaatay M.S.Barre inuu xukunka si sahlan ku dhiibo. Waxaana maalin walba sii yaraanayay tiradii dadkii iyo qabiiladii tageerayay xukuumada. Tusaale waxaan usoo qaadan karaa Korneyl Axmed Cumar Jees oo kasoo jeeday beesha Ogaadeenka madaxwaynahana ay aad isugu fiicnaan jireen uu mucaaradkii Dawlada kasoo horjeeday ku biiray 1990kii, ka dibna uu qabtay hogaanka dhinaca Mileteriga ee jabhadii Absame ee la odhan jiray SPM (Somali Patriotic Movement).

Aasaaskii SPM waxaa ka horeeyay jabhadii Digil iyo Mirifle SDM (Somali Democratic Movement) oo la aasaasay 1989kii.
Arrintu si kastaba ha ahaate waxaa cadaatay in ay aad u adkaatay sdii Dawladii M.S.Barre u badbaadi lahayd.

Waxaana bilaabmatay in habeen walba dad lagu dili jiray magaalada Muqdisho, dawladuna ku eedayn jirtay waxa ay ugu yeedhay qaran dumis, hadana waxaa cadayd in askarta Dawladu dadka dhinacooda ka xasuuqi jireen, iyaga oo gaar ahaan ugaadhsan jiray Hawiyaha iyo Isaaqa. Nabad galyo la,aanta Muqdishona waxay dhalisay in Hawiyihii magaalada degenaa ishubeeyaan. Dagaalkii sokeeyena wuxuu si rasmi ah Muqdisho ugu bilawday 27kii Dicember 1989kii.

Si haddaba looga hortago dhiig intaas ka badan oo daata, ayaa xubnihii Sulux (Manafeesto) waxay dawlada ka codsadeen in ay kulmaan si arrinta halista ah ee wadanka ku soo socota looga hortago.

Bishii January 23keedi ayaa waxaa kulmay xubnihii Sulux oo ka koobna 114 iyo kuwii Dawlada ka socday oo iyana ka koobna 25 nin. Ragii Dawlada ka socday ee M.S. Barre ku hadlaayay waxaa xubnihii Sulux u shegeen in dariiqa kaliyah ee dhiiga daata iyo waddanka oo kala burbura looga hortegi karaa uu yahay in M.S. Barre xukunka iskaga dego si ku meel gaadh ahna maamulka loogu dhiibo Cumar Carte Qaalib oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda, muddo badana u xidhnaa xukuumadii M.S. Barre. Aakhirkiina shirkaas waa la isku mari waayay, kadib markii nimankii M.S. Barre ka socday ay soo jeediyeen " Madaxweyne xukunka ka deg wax lagu hadloo maahe, fikrad kale ma haysaan" Shirkaas natiijadii kasoo baxday, waxa ay markhaati u noqotay inaan dagaal iyo burbur wadanka ku habsada laga badbaadi karin. Magaaladii Muqdishona waxay noqotay goob dagaal.


Dagaalkii ugu cuslaa oo muuda Bil ku dhaw Muqdisho ka socday, wuxuu suurto galiyay in M.S. Barre iyo ciidamadiisi ilaalinayay Muqdisho laga saaro Jan.27keedi 1991. M.S. Barre oo habeen madaw Muqdisho ka baxay, ciidamadiisi, xubnihiisii dawlada iyo dadkii taagersana midna uma sheegin inuu baxsanayo, markii la ogaaday inuu baxsadayna ciidamadiisi intii hadhay iyo qofkasta oo ka baqay in reer ahaan loo dilaba cagaha ayuu wax ka deyay.

Waxaa si gaar ah cabsidii ugu waynayd u gashay reerka Daaroodka siduu u dhan yahay, waayo inkasta oo qaarkood xukunka M.S. Barre kasoo horjeedeen, odayaala gaadhay 25 nina ay xubnihii 114 qof ka mid ahaayeen, hadana waxaa hubaal ahayd in raga miyiga laga keenay ee Hawiye aanay dilka Daaroodka kala jaclayn.

Ragga miyiga laga keenay ka sokaw, waxaa iyaguna aad u kacsanaa beelaha Hawiye oo diidanaa dulmigii xukuumada M.S. Barre oo ay u arkayeen in uu yahay maamul Daaroodka u danaynaaya. Sidaas darteed, dad badan oo reerka Daarood ka dhashay ayaa markii danbe ku dooday arrintu waxay ahayd "Baroortu orgiga ka weyn" oo M.S. Barre kaliyah looma socone, Hawiye waxa ay doonayeen in ay Daarood gumaadan.

Gabagabo

Markii ay cadaatay in M.S. Barre ugu danbayntii Xamar ka baxsaday, gudigii xubnaha Sulux iyo USC ee Xamar joogay waxay markiiba madaxweyne ku meel gaadh ah u magacaabeen Cali Mahdi Maxamed oo reerka Abgaal ka dhashay. Cali Mahdi oo ahaa nin baayacmushtar ah, horrena aan u ahayn ragii siyaasiyiinta Hawiye ee hore loo yiqiinay, waxaa la filaayay in hadii uu wax kale qaban kari waayo inuu kacdoonka USC joojiyo, laakiin waxay ahayd arrin aad u adag, waxaana markiiba soo ifbaxay magacii cusbaa ee "Mooryaan", magaaladii Xamarna waxay noqotay meel ay Mooryaani u taliso .

Waxaana si rasmi ah u bilawday dil,bililiqo iyo boob. Dhibaatada kale ee Cali Mahdi iyo maamulkiisi ka hor timid waxa ay ahayd in dhamaan mucaaradyadii Dawlada ka soo horjeeday oo ay ka mid ahaayeen, USC (faracii Caydiid), SNM, SPM iyo waliba xubno ka tirsan SDM ay ku dhawaaqeen inaanay aqoonsanayn Dawlada cusub ee Xamar laga dhisay .

Arrintaasina waxay muftaax u noqotay burburkii iyo kala qaybsanaantii waddankii loo yaqaanay "Jamhuuriyada Soomaaliya".
Waxaa kale oo halkaas kusoo af-jarmay rajadii laga qabay "Shanta Soomaliyeed" oo midooba.

Isku milmid la,aanta Koonfur iyo Woqooyi.

Ingiriiska iyo Talyaanigi dharaar cad ayeey ka dhaqaaqeen dalka Soomaliya, waxayna nooga tageen nidaam iyo maamul kala duwan sida hab dhaqanka sharciyada, maamulka, canshuuraha iyo sarifaha lacagaha.

Dhanka kale kaadirkii aqoonta lahaa ee labada qeybood oo midooway, waxaa ka dhaxeeyay isfahan la,aan iyo isficil aan dan u ahayn Qaranka Soomaliyeed.
Guddigii la tashiga oo ka koobna Koonfur iyo Woqooyi loona magaacabay is dhex galka iyo mideynta labadii maamul uuna hogaaminayay Dr. Paulo Contini ayaa qeyb wayn ka qaatay is raacsiinta shuruucdii iyo maamulkii laba qeybood ee midoobay.
Markii ay Somaaliya qaadatay xorriyadeeda, gobollada Woqooyi waxaa ka jiray laba xisbi oo la kala oran jiray S.N.L oo ay ku mideysnaayeen beesha Reer Shiikh Isaaq, lahaana aqlabiyada gobolladaas iyo xisbiga kale oo la oran jiray U.SP kana dhexeeyay beelaha kale ee degaanka Dir iyo Daarood.

Markii laba gobol la isku daray, Isaaqi aqlabiyada ku lahaa Woqooyiga wuxuu noqday mid laga tiro badan yahay (Minority), maxaa yeelay xubnihii golaha shacbiga ee Daaroodka aqalliyadana ku lahaa Wqooyiga waxay raaceen walaalahoodi Daarood, waxayna ku biireen S.Y.L.

Bishii Dicember 1961dii, saraakiil reer Woqooyi ah una badnaa beesha sharafta leh ee Reer Isaaq, qabayna in beeshooda lagu dulmay awood qaybsiga dalka ayaa isku dayay in ay inqilaab ka dhigaan gobolladii Ingiriisku gumaysan jiray, waxayna abaabulayaashi inqilaabkaas fashilmay ku dhawaaqeen in gobollada Woqooyi ka madax banaanaadeen kuwa Koonfureed.
Bishii May 1962dii, koox Wasiiro ahaa uuna ka mid ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal kana tirsanaa ururkii S.N.L ayaa iska casilay jagooyinkii ay ka hayeen Dawlada, kadibna iyagoo wata taageerayaashoodi S.N.L ayaa waxa aasaaseen xisbigii la oran jiray S.N.C (Somali National Congress). Ururkan oo aad looga soo dhaweeyay gobollada Woqooyiga, gaar ahaan degmooyinkii ay ku badanaayeen Isaaqu.

Xisbigii cusbaa wuxuu kaloo taageero weyn ka helay beesha Hawiye oo iyadu u badan degaana gobollada dhexe iyo Banaadir, waxaana horu mood u ahaa Shiikh Cali Jimcaale Baraale, Cabdulaahi Xuseen Majoor iyo Shiikha Muday Gacal.

Dhalashadii xisbigii S.N.C wuxuu bedelay jawagii siyaasadeed ee dalka wuxuuna sare u qaaday khilaafkii ka dhexeeyay Koonfurta iyo Woqoyiga oo ku salaysnaa qabiil iyo sed bursi.

1967dii, Waxaa heshiis dhex maray labada kooxood oo ay kala hogaaminayeen Ra,isul Wasaarihii hore ee qeybta Woqooyiga Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo hogaamiyihii Dawladii marxaladii Midawga labada qeybood Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaake, kuwaasoo bilaabay dib u habayn cusub ee siyaasadaha gudaha iyo dibeda, kuna salaysnayd in laga abuuro jawi nabadeed gobolka Geeska Afrika, isla markaana loo jiheeyo horumarinta bulshada kharajyadii ku baxaayay ciidmada iyo jabhadaha, taaso ka careysiisay madaxda ciidamada kuna kalliftay inay kula wareegaan xukunka qori caaradii 1969kii, iyagoo ka faa,ideystay dilkii Madaxweynihii Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo askari ka tirsan ciidamada Boolisku ku toogtay guriga martida ee magaalada Laascaanood 15/10/1969kii.

Dhalashadi Somaliland.

Inkastoo la ogyahay in waqtiyo kala duwan ay dalka Soomaliya soo food saartay degenaansho la,aan ilaa iyo waagi ay qaadatay madaxbanaanideeda1960kii, haddana kacdoonkii koowaad oo halista galiyey midnimada ummada Soomaliyeed wuxuu ahaa kii ka qarxay gobollada Woqooyi bilihi April iyo May 1983, oo ku aadana waqtiyadii hawlgaladii ciidan iyo kuwii siyaasadeed ee S.S.D.F hoos usii socdeen , kaasoo u horseeday kala tagga iyo degnaansho la,aanta dalka.

Sababaha dhaliyay kacdoonka reer Woqooyiga (Isaaq) waxaa saldhig u ahaa cadaawad qabyaaladeed oo xambaarsan siyasad iyo arrimo dhaqaale oo maamulkii dalka ka jiray ku hayay beesha Isaaq, ee u badanaa Woqooyiga Soomaliya.
Kaddiba markii Siyaad Barre uu qabsaday xukunka 1969kii, wixii ka danbeeyay wuxuu ku maamulayay dalka cadaadin iyo awood ciidan, maamulka dalkana wuxuu gacanta u galiyay qoyskiisa (Mareexaan).

S.N.M waxay ka dhalatay una dhalatay beesha Isaaq ee degta Woqooyiga Soomaliya, oo u dul qaadan wayday cadaadiskii nooc kasta lahaa ee maamulkii Siyaad Barre dulsaaray beeshaas.

'Maalin Arbaco ah oo bisha Mey tahay 15, ayaa Idaacada Raadiyo Muqdisho waxay ku dhawaaqday in xisbiga S.N.M uu aqbalay in uu kasoo qayb galo shirka Soomaliya lagu heshiinsiinayo ee ka dhici doona magaalada Qaahira. Arrintaasi waxay ahayd mid been-abuur ah, sababtoo ah Wasiirki Arrimaha Dibeda ee S.N.M Mudane Saleebaan Gaal (Habar-jeclo) ayaa hore ugu sheegay Butrus Qaali oo isagu markaas ahaa wasiirka arrimaha dibeda e Masar, inaysan S.N.M shirkaas kasoo qeyb geli doonin. Been abuurkaasi wuxuu sabab u ahaa in subaxdii xigtay ay dadkii S.N.M taageersana isugu soo baxeen goobta shirar ee magaalada Burco.

Iyagoo wada jira ayeey dadkaas iyo maamulkii S.N.M ay si ba,an u wada cambaareeyeen been abuurkaas.

Isla habeenimadiina waxaa gudoomiyaha S.N.M Mudane Cabduraxmaan Tuur (Habar-Yoonis_Muusa-Carre) uu khadka telefanka ugu sheegay Mudane Cali Mahdi (Hawiye-Abgaal) in Idaacada Raadiyo Hargeisa ay ku dhawaaqi doonto in gobollada Woqooyi ee ay S.N.M hogaanka u hayso ay noqon doonaan dawlad madax banaan oo gooni isu taagtay. Waxaa kaloo uu Mudane Cabdiraxmaan Tuur intaas kusii daray inuu rejeynayo iney xiriir wanaagsan yeelan doonaan iyaga iyo dawlada Muqdisho (Koonfur).

Isla maalintii Sabtida ayaa dadyawgii gobollada Woqooyi oo dhan waxay dhegta u wada dhigeen Idaacada Hargeisa iyagoo wada sugaya ku dhawaaqida go,aanka S.N.M. Waana lagu dhawaaqay, oo maalintaas Sabtida ee bisha May ay ahayd 18 ayaa S.N.M si rasmi ah ugu dhawaqday iney gobollada Woqooyi goosteen lana baxeen Jamhuuriyada Somaliland.
Halkaas ayaa shacabkii Somaliland ugu wada sacabo tumeen calankii cusbaa ee dalkooda.
Waxaa Madaxweyne u noqday guddoomiyihii xisbigooda siyaasadeed ee Somali National Movement (SNM) Mudane Cabdiraxmaan Tuur.


Taariikhdu waa shalay. Shalay waxay dhashay maanta. Maantuna waxay u rimantahay berri. Saddexdaas waqti waxaa ugu muhiimsan maanta oo ah kan wax laga bedelli karo natiijadiisa. Haddaan si kale u iraahdo, wixii dhacay shalay dartood ayaa maanta xaalku yahay, cid wax beddeli kartaana ma jirto aan ahayn Allaha macbuudka ah. Laakiin waxa maanta dhacaya in kastoo ay kayimaden wixii shalay dhacay, haddana wax badan ayaa laga bedelli karaa si berri ay u noqoto mid ka wanaagsan shalay iyo maanta.

Taariikhdu kuma koobna dal ama dad gooni ah oo shakhsi walba, shey walba iyo meel walba waxay leeyihiin taariikh iyaga u gooni ah taaso ka dhigtay waxa ay maanta yihiin iyo waxa ay berri noqon karaan.

Qofka maanta qoraalkan akhrinaya waxaa hubaal ah in uu shalay school ku jiray, taaso u suurto galisay inuu akhriyo qoraalkan.

Akhriste waxaan filaya inaad fahantay macnaha aan ula jeedo Taariikh.
Cidina ma saadaalin karayso sida ay noqonayso iyo wadad loo maraya Mustaqbalka Soomaliya , waxaanse shaki ku jirin in uusan ka dhalanaynin dalka maamul Hantiwadaag ah oo laga xukumo meel kaliyah sida maamulkii Maxamed Siyaad Barre ( Af-weyne).

Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo kuwa dadaal iyo dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka iyo iyo dadka Soomaliyeed markasta ula hor taagan.

 

DADKA SOOMAALIYEED EE SHARAFTA LEH EE ILAAHAY U DHALIYAY QABIILKA ISAAQ

Dadka Soomaaliyeed ee ilaahay u dhaliyay qabiilka Isaaq waa dad wax ala wax sharaf,karaamo iiyo dadnimo ee uu ilaahay u dhaliyay qofka soomaaliga ah ilaahay ku manaystay, xumaato gaar ah ama wanaag gaar ah oo uu qofka soomaaliga ah ee ilaahay u dhaliyay qabiilka isaaq iska leeyahay ma ay jirto, waxaadan dadka soomaaliyeed ee isaaq u nici karin sida qabiil walba ama beelwalba waxaa dadkaasi ku jira : caruur, ciroole,aqoonyahan , wadan dadkiisa iyo dalkiisaba jecel,sama ka taliye, culimodii-need, dhakhtar dadka daaweeya ,macalin dadka wax bare ,cibaadayste ilaah ka baqa iyo in ala inta ay dad qabiil iska leeyihiin.. Mida kalemarkuu ilaahay dal somalia la yiraahdo samaynayay wuxuu bartanka u dhigay oo uu ugu talo galay dadka sharafta leh ee isaaq inay ka mid ahaadaan.......way soo socdaan hadaladaasi iyagoo faahfaahsan.

YAA JIBAAXAY DAWLADEENI SHARAFTA LAHAYD EE SOMALIA?

Marka hore hadii aynu eegno madaxdii soo martay somalia ee uu ka mid ka ahaa Maxmed siyaad bare iyo qaar kale oo badan, ma odhan karayno iyaga ayaa ka masuul ah in ay somalia burburto hase ahaate su,aasha meesha ku jirtaa waxay tahay, Hadii aanay madaxdii somalia soo martay aanay wax burburin yaa kaloo awood u leh inay wax burburiso ? jawaabtu waa dhawr siyaabood.....

Sideedaba hadii ay meesha xukuumad timaado waxaa wax xukuma shacab iyo dadwayne , Iyagana waxaa sii xukuma qofkay u doortaan inuu iyaga xukumo oo ay madaxwwayne ka dhigtaan, hase ahaate somali hadii aad maqasho waa ( Ina qabiil ) oo badanaa qabiilka ayuu jecelyahay, mataln, Hadii aad magaalo ka tirsan somalia timaado oo aad waraaq u sido qof magaaladaas jooga waxaa laga yaaba in aad qaofkaas aad waraaqda u sidid helin si kasta oo aad adreeskiisa u haysoba, hase ahaate hadii aad dadka magaaladaas waydiisid oo qabiilkiisa sheegtid iyo reerka uu ka dhashay, waxaa suurto gal ah in aad si deg-deg ah ku heshid qofkii aad raadinaysay.

Anigu markaan fikrad ahaan qiyaasay waxay iila muuqatay inaysan dawladeenani (somalia) in aanay dhibaato ka baxeen waligeedba ama madaxwayne waalan jagada qabsado ama mid caadi ahi ha qabsado oo xukunka kula wareega milaterinimo iyo mid la doortayba, waxa dhibaatada wada waa shacab iyo qabiil isku dhex-jira.

Hadii aynu usoo noqono jawaabta, waxa maanta ka dhacaya xamar iyo agagaarkeeda ee ah, Dil, Dhac, Tuugnimo,Qabiilqabiilaysi, iyo anaa kaa fiican iyo anaa kaa xoog badan.

Ma aha wax imika bilaamay iyo wax u dhawtoona ee hadii aynu eegno taariikhda soomaaliyeed , waxaa suurto gal ah in aynu helno siyaabihii iyo meelihii ay ka soo bilaameen dagaaladani, iyo dadkii u hor kacay, iyo madaxdii u hor kacday, iyo waliba qabiilkii u hor kacay.

Akhristaw markaan leeyahay QABIIL ha moodin inaan ku khaldanahay taas iyada ah, Waayo waxa wadamada soomaaliyeed ´ka socda sida muqdisho oo kale, ma odhan karno waa laba dawladood oo is leenaya EE waa shicib iyo dawlad. su,aashu waxay tahay, qabiilku labadaas beelood (somali vs dadwayne) kee buu ku jiraa ? jawaabtu waa siyaabo badan....

Marka hore dawlad waxay ku dhisan tahay waa shicib iyo dadwayne, hadaan shicib jirin dawladi ma jirto, hadaan dawladi jirina shicib ma jirayo, iyagoon hadana sidaas u kala maarmin ayaa wadamada qaar shicib koodi iyo dawladoodiba isku kacsanyihiin oo dagaal ka dhex socdaa sida wadanka somalia.

Hadaba waxaan odhan karnaa in shicibku %73 yahay qabiil marka laga reebo in yar oo aqoonyahaniin ah oo ilaahay ka cabsata oo diinta teeda fiican ku taagan.

Hadii aan usoo noqdo jawaabta cinwaankeena ah maxaa soomali jibaaxay ama sidan ka dhigay, aan isku dayo inaan kaaga faalado waxyaabo badan oo ku saabsan jawaabtaas. Marka hore hadii aan fikrad fiican kaa siiyo jamhuuriyada la magac baxday SOMALILAND,SNM, dad kaasi waa dad badankoodu ay yihiin qabiilka ISAAQ oo kaliyah , iyaga ayeey ahaayeen kuwii isu keenay midnimada Koonfur iyo Woqooyi,dadkaas waxa weeye dad jecel wanaaga  umada soomaliyeed qaranimada umada somaliyeed, iyo danaha umada soomaliyeed. waa dad sharaf iyo karaamo iska leh, Jamhuuriyada somaliland waxay somalia ka go,aday bari aan fogayn :may 18 1991kaadkii oo ay hogaaminaysay jabhada la magac baxday SNM, iyaga oo dadkaa la fara xumeeyay oo si xun loo galay ka dibna ay somliba ka goosteen oo ay dhinac istaageen oo ay la baxeen jamhuuriyada somaliland.

Waxaa ka keenay inay ka baxaan oo ay ku dhawaaqaan Goosasho, waa dhibkii loo gaystay, waxaana dhibkaas u gaystay talisyadii dalka kasoo taliyay ama soo xukumi jiray xornimadi 60kii intii ka danbeesay, cadaalad daro ayeey tirsanayaan, waliba mid cad baa ku dhacday ma tirsanayaanee, burbur baa loo gaystay, naf iyo hantiba waa laga qaaday,markaa maanta arrinku ma yaalo way goosanayaan iyo magoosanayaan ee xalku waxa weeye sidii dadkaa loogu helilahaa cadaalad loona soo celin lahaa, waxaa suurto gal ah hadii ay cadaaladaas ay helaan loona tixgaliyo cadaalada ay doonayaan oo loo guntado sidii loola hadli lahaa loola doodi lahaa, waxaan qabaa in xal laga gaadhaayo arrintaas.

Hadii Isaaq la waayo somaliana waa la waayaya oo masii jirayso Hadii aynu eegno dhinaca iyo somalia waxaa isugu tagay dadkaa qabiilo farabad , oo aanan jeclaysan inaan halkan ku soo qoro, dadkaasi waa dad aan is-ogolayn oon heshiis ka dhaxayn oo ay yihiin qabyaalad soconaysa xasad ay is-xasdayaana ku dhex jiro oo uu door muhiim ah ka qaatay , Inkasta oo wadan sida uu udhanyahayba aan wada wanaagsaneen somalilanda ha ahaade.

Midda kale DAAHIR RIYAALE KAAHIN , sida uu nabada ku helay iyo CABDI LAAHI YOUSUF sida uu ku raadinayo laba is leh maaha.

Halkaa waxaad ka dareemi kartaa in aanay labada dawladood isku mid ahayn isku darajona ahayn. Wadanka somalia runtii waa wadan khayraadkiisu fiican yahay oo wadamada qaarkood ay yidhaahdaan shidaal baa ku jira , Qaarna ay yidhaadaan Macdan baaba ka buuxda, Waxaa dhici karta in hadalaadaasi dhab yihiin, su,aal baa odhanaysa Meeye dadkii nimcadan ka faa,idaysan laha .

Mahaboona inaan dib ugu noqdo hadal aan soo sheegay waayo hadalkaas xaga sare ayaan kaga soo hadlay. Dad badan baa ku faana wadanka somalia waa wadan la aqoonsanyahay wadanka somaliland isna lama aqoonsan, Akhriste taa maxaad ka odhan lahayd ? Runtii way jirtaa arrimaahaasi , in somalia aduun waynaha laga yaqaan somaliland iyadana aan la aqoon laakin su,aal baa leh TAA MAXAA KU JABAN ? maxaase faa,ido ah oo ku kala dhex jira aqoonsi iyo aqoonsi la,aanba ?¨.

Runtii faa,idooyin kolay way iska jiraan haba yaraadaanee hadii aan isku dayo inaan mid yar ka sheego waxay tahay sidan soo socota: Qof ala qofkii Somali ah ee qurbo yimaada wuxuu ku jooga iyo wuxuu ku shaqaystaaba waa inuu somalia ka yimi, waxaaba dhici karta in uu ka yimi HARGEISA ama BURCO , oo aanu sheegi karin inuu somaliland ka yimi sababtoo ah lama yaqaan wadan la yidhaah somaliland Runtii way jiraan faa,idooyin kale ha iskayaraadaanba,e Waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo qorin waayo akhristayaal badan,waxaa dhici karta in ay dacwad iga bixiyaan.

Mararka qaarkood dad badan baa is waydiiya somaliland wa,ayo xagayse ku taala aqoonsi ma leedahayse ? Runtu waxay tahay mar hadii aanu soomaali nahay in waxaas oo kale lagu murmo aanay dhici karin sababta oo ah Akhristaw waad garanaysaa wadanka sharafta leh ee SOMALILAND.

Anigu waxaan ku leeyahay ha inkirin walaalada weeye waligaa yeyy dhicin inaad cadaawad u qaado waayo hadii aan adiga ku waydiiyo Maxaad walaalada ku nacday? waxaan u malaynaya in aanad jawaab u hayn, waxaan u malaynaya inaad ila yaabantahay su,aasha waayo waa walaal walaalkiisi kale fogaynaya , inkasta oo cudurku aanu ku ekeen somalia oo qudheh ee sidoo kalana uu ku dhacay somaliland, Waa laba wadan oo walaalo ah oon iska maarmeen oo Qabyaalad iyo xasada kala keexeeyay iyo dhibaatoyinka kale .

 

KACAANKII 21kii OKTOBAR 1969.

Jeneral Maxamed Siyaad Barre iyo koox askar ah ( 25 ) ah oo uu hogaaminaya ayaa wadanka inqilaabay, iyaga oo nimankii Baarlamaanka hore ugu jiray badankoodi xidhxidhay. Muddo yar dhexdeedna  waxa ay ku dhawaaqeen inaan dastuurkii hore ee wadanka lagu dhiqi jiray la tirtiray , waxayna kala ahaayeen;

                                                           

Tiro magac

1.Maxmed Siyaad Barre      

 Derejada

S/Gaas           

 Qabiilka

Mareexaan           

 Jilibka

Reer Diini        

2. Jaamac Cali Qoorsheel S/Gaas  Warsangali Cumar
3.Maxamed Caynaashe Guuleed S/Guute  Habar Yonis Reer Caynaashe
4.Xuseen Kulmiye Afrax S/Guute  Abgaal Wacaysle
5.Salaad Gabayre Kadiye G/Dhexe  Abgaal Wacaysle
6.Axmed Saleebaan Cabdalle Gaashaanle Dhulbahante Maxamuud Garaad
7.Maxamed Sheekh Cusmaan G/Dhexe  Muruursade Sabti
8.Maxamuud Maxamed Mire G/Dhexe  Ogadeen Reer Cabdulle
9.Maxamed Cali Samter G/Dhexe TUMAAL TUMAAL
10.Maxamed Cali Shire Gaashaanle  Dhulbahante Maxmuud Garaad
11.Ismaaciil Cali Abokor Gaashaanle  Haber jeclo Samane Abokor
12.Cabdalle Maxamed Faadil G/Dhexe Carab Yamanai
13.Maxamuud Gelle yousuf Jeneraal  Majeerteen Cismaan Maxamuud
14.Cali Mataan Xaashi G/Dhexe  Mareexaan Reer Diini
15.Axmed Maxamuud(Qoorweyne) G/Dhexe Abgaal Harti Abgaal
16.Axmed Maxamuud (ina lax was) Gaashaanle Habar awal Ciise Muuse
17.Muuse Rabiile Guud Gaashaanle  Gadabuursi Maxamed Case
18.Axmed Xasan Muuse Dhamme Haber Jeclo Maxamed Abokor
19.Maxamed Cumar Jees Dhamme Ogadeen Reer Isaaq
20.Cusmaan Maxamuud Jelle Dhamme Xawaadle Cabdale
21.Abdulrisaaq Maxamuud Abubakar Dhamme Majeerteen  Cumar Maxamuud
22.Abdulrisaq Xaji ( Masalle ) Dhamme MareexaanGuuleed Faarax
23.Bashiir Cilmi Yousuf Gaashaanle Habar Gidir  Sacad
24.Faarax Wacays Dhuule Dhamme Ciise Horoone
25.Cabdi Warsame Isaaq G/Dhamme Dir Gaadsan
 

AFGANBIGII DHICISOOBAY

Inqilaab dhicisoobay ayaa waxaa isku dayay koox saraakiil ah oo Majeerteen u badnaa, oo ay hagaaminayeen kor Maxamed Sheekh Cismaan ( Ciro ) iyo kor Cabdulaahi Yuusuf, kadib markii uu inqilaabkii fashilmay todobo iyo toban ragii la qabtay ka mid ahaa ayaa la toogtay in badana xabsiyada  ayaa loo taxaabay ragii la toogtay waxa ay kala ahaayeen;

1.Maxamed Sheekh Cismaan  (Ciro)Kornayl  Majeerteen/Cumar Maxamuud
2.Siciid Jaamac Nuur G/LE Majeerteen/Ciise Maxamuud
3.Siciid Maxamed Jaamac G/LE Majeerteen/Cusmaan Maxamuud
4.Bashiir Abshir Ciise Dhamme Majeerteen/Cusmaan Maxamuud
5.Caagane Axmed Yuusuf Dhamme Majeerteen/Cumar Maxamuud
6.Cabdulaahi Faarax Dhamme Hawiye/Xawaadle
7.Cabdulaahi Nuur Dhamme Hawiye
8.Ibraahiim Maxamuud Xirsi Dhamme Isaaq/Habaryoonis
9.Cabdsalaam Cilmi Warsame Dhamme Majeerteen/Cumar Maxamuud
10.Maxamuud Siciid Cabdulle L/XLE Hawiye/Habar Gidir
11.Cabdulwahaab Axmed Xaashi L/XLE Majeerteen/Cumar Maxamuud
12.Aadan Warsame Yare L/XLE Majeerteen/Cumar Maxamuud
13.Cabdi Ugaas Cusmaan L/XLE Hawiye/Muruursade
14.Cabdiraxmaan Macalin Bashiir L/XLE Majerteen
15.Cabdulqaadir Gelle Cumar L/XLE Majeerteen/Cusmaan Maxamuud
16.Faarax Xalwo L/XLE Majeerteren/Cusmaan Maxamud
17Cabdulqaadir Warsame Yare Rayid Majeerteen/Cumar Maxamuud

 

 




 

 

 

                                                                 Morgan: The Adolph Eichmann of Somaliland
 
Adolph EichmannHaddii badaha iyo qaaradaha looga tallaabay soo qabashadii Adolph Eichmann. Maxaa Reer Somaliland ka hor jooga in la soo qabto dhiigyacabka Morgan oo jooga meel dhow?

 


 www.calanka.com

Maxamed Siyaad Barre, Dhiigyacabka soomaliyeed Kacaank 1969:Maxaad Ka Xusuusataa Taariikhda Iyo Wax Qabadkii Xukuumadii Kacaanka?(Qoraalo   Film  wata) Hadaba Nala Baar Taariikhdaas Maanta

xigasho calanka.com

 

Maxaa Loo Aqoonsan Waayay Somaliland?

Dhinaca Somaliland hadalada Daahir Rayaale Kaahin waxaa ka muuqda in ay adkaatay in la aqoonsado Dawladiisa lagana yabo in uu si kale xal u raadiyo. Sidaa darteed waxaa laga yaaba in ay ka xumaadaan dadkii rabay in ay Dawlad gaar ah noqoto, dhinaca kalana ay ku farxaan kuwii kale ee ka soo horjeeday. Labada qoloba waxaa muuqata in aysan fahmin sababaha loo diiday Dawladnimada ( Somaliland ). Hase yeeshee hadii ayn is waydiino sababah loo aqoonsan waayay waxay noqon karaan;-

1.Ma dhulka ay ku fadhido ayaa yar? Tani sabab ma ahan, waayo dhul ahaan waxa ay ku dhawdahay dalka Ingiriiska sababtani laguma diidi karo.

2.Ma dadka ku nool ayaa yar oo dad yar Dawlad looma aqoonsan karo miyaa? Sidoo kale dadka Woqooyiga ku nool waxaa lagu qiyaasi jiray intii aysan Somalia burburin 2 ila 3 Malyan oo qof. Sidoo kale waxaa jira Jaziirado sida Murishiya oo ay ku nool yihiin dad aad u kooban oo Dawlad ah codna ku leh Jamciyada Quruumaha ka Dhaxaysa.

3.Ma dhaqaalaha ayaa ku yar? Sidoo kale tan sabab ma ahan oo Somaliland xoolo,beer, bad iyo Patrool ku filan ayeey leeyihiin.

4.Ma nabad galyo la,aan baa ka jirta oo qabaa,il ayaa ku dagaalamaya darteed miyaa loo aqoonsan waayay? Waa maya oo Woqooyi nabad baa ka jirta qofna uusan dafiri karin.

5.Ma waxaa la diidan yahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya kala go,do oo Midnimada iyo Dawladnimada Soomaliyeed baa loo daneenaya? Jawaabtu waa maya.

Sababta kaliyah oo loo aqoonsan waayay waxa weeye in Soomaliya Dawladii u dhisnayd laga dumiyo ka dibna aan la ogolaan dib danbe in ay usoo noqoto si Qaran Soomaliyeed dalkoodi hooyana gacanta lagu dhigo.

Hadii Koonfur go,i lahayd oo Dawlad isku magacaabi lahayd isla sidaas uun bay ahaaan lahayd.

Hadii Somaliland la aqoonsado waa Libaax xarig laga furay oo cid maamuli kartaa ma jirto, aduun waynahana cod adag ayeey ku yeelanaysaa, ninkii markii hore ku fikiray in Somaliweyn qabsado dani uguma jirto in uu aqoonsado Somaliland oo ay ku nool yihiin dadkii Soomaliyeed oo la rabay in Qariidada aduunka laga tirtiro laguna biiriyo Xabashida.

QORSHAYNTA BURBURKA

Dawladii Maxamed Siyaad Barre markii ay dhisnayd dadka waxaa lagu mashquulin jiray sidii ay Dawlada u ridi lahaayeen. Markii xigtay waxaa lagu dagalamayay xukunka oo jabhadihii baa la isku diray. Ka dib hadda waxaa laisku sii jeediyay Dawlad Goboleed . Waxaa ku xigi doona in dadka Soomaliyeed dhulka laga dhameeyo, wax la dilo,wax gaajo iyo cudur laayaan,wax bahal cuno,ama bad liqdo, wax baxsada oo dalku sidaas dad la,aan kusoo baxo, lana qaato.

TIRTIRIDA MAGACA SOOMALIYEED

Qorshaha burburinta Soomaliya waxaa daliil u ah in hadda magacii Somali uu sii dhamaanayo oo Dawlad goboleedyada aan lagu arag magacii Soomaliga ahaa sida Puntland iyo kuwa soo socda Jubbaland Hiiranland Banaadirland iwm. Waxaa Somaliland lagu khasbi doona in ay magaca iska bedesho sidii Jabouti loogu khasbay. Waxaa lagu maaweelinaya in ka dib Dawlad Goboleedka ay dhisan doonaan Dawlad dhexe ( Feder Somalia ) oo isku keenta dhamaantood. Taasi waxba kama jiri doonaan. Waxaana laga saxiixanaya in Gobol kastaaba uu xiriir toos ah la yeesho Ethiopia, halkaasna laga xukumi doono, kadibna ay ku biiri doonaan Xabashida oo halkaas Soomaliya lagu liqi doono.

Qofkasta oo Soomali ah oo Islaam ah oo wadani ah waa inuu arrimahaas ogaada isna hortaago.

Taasi waa midda cadawga rabo in ay Soomaliya ku danbayso, laakiin Ilaahayn tiisu meel ayeey taala, ( Nin Alle leh ma iisho, sidey u il daran tahayn uma Alle la,a ) Ayeey Soomalidu tiraahdaa. Soomaliya waxa ay ku danbaynaysaa siduu Ilaahay ka dhigo iyo innagu dadaalka aan la nimaano, waxayna u dhawdahay in la helo dad ka fiican kuwii hore oo garta wadada wanaagsan iyo sharafta ay leedahay qaranimada iyo muslinimadaba.

Curashadii Jabhadii SNM

 

Kacdoonkii Gobolada Woqooyi ee Beesha ISAAQ

Inkastoo la ogyahay in waqtiyo kala duwan ay dalka Soomaaliya soo food saartay deganaansho la,an ilaa iyo waagii ay qaadatay madaxbanaanideeda 1960kii, haddana kacdoonkii koowaad oo halista galiyay midnimada ummada Soomaliyeed wuxuu ahaa kii ka qaxay Gobolada Woqooyi billihii Mey iyo Jun 1988dii, kaasoo u horseeday kala tagga iyo degnaansho la,aanta dalka.

Sababaha dhaliyay kacdoonka reer Woqooyiga waxaa saldhig u ahaa cadaawad qabyaaladeed oo xambaarsan siyaasad iyo arrimo dhaqaale oo maamulku ku hayay beesha Isaaq, oo u badan Woqooyiga Soomaaliya. Kacaankii si uu u xakameeyo beesha Isaaq wuxuu xukunkii gobolladaas gacanta u galiyay ciidamo u badan Mareexaan oo si foolxun uga cadaadiyay bulshada dhanka dhaqanka iyo dhaqaalaha.

Kaddib markii Maxamed Siyaad Barre uu qabsaday xukunka 1969kii, wixii ka danbeeyay wuxuu ku maamulayay dalka cadaadin iyo awood ciidan, maamulka dalkana wuxuu gacanta ka saaray Qoyskiisa (Mareexaan).

Bulshada ku nool Gobolada Woqooyi! wax soo saarkeeda iyo nolosheeduba waxay ku xirneyd ka ganacsiga xoolaha nool, haseyeeshee laga soo bilaabo 1983dii, reer Woqooyigu waxay ka dareemeen maamulka cadaalad darri, waliba way ku dhacday, mid cad baa ku dhacday oo burbur baa loo gaystay, waayo illihii dhaqaalaha iyo wax soo saarkii waxaa la wareegay dad ay ehel yihiin Siyaad Barre ama kuwo ay si gaar ah gacan saar u lahaayeen. Sidaa darteed bulshada reer woqooyiga oo ku jah wareertay maamulka Muqdisho, waxay xiriir ganacsi la yeelatay Soomalida deggen Somali Galbeed (Ogaadeeniya) iyo Jabouti, intii ay wax la qabsan lahaayeen dadweynaha Soomaliyeed iyo dawlada, taaso keentay in maamulkii ka jiray Muqdisho uu cadaawad u qaado dadka Soomaliyeed ee deggen xadka shishadiisa ayna maamulaan dalalka la deriska ah Soomaliya.

 

Ururka SNM waxaa markii ugu horeeyay looga dhawaaqay magaalada London ee carriga Ingiriiska 6dii bishii Abril 1981di, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen dad gaaraya 500 qof oo Soomali ah, isagana yimid dalalka Yurub, Ameerika iyo dunida Carabta.

SNM waxay ka dhalatay una dhalatay Beesha ISAAQ ee degta Woqooyiga Soomaliya, oo u dul qadan wayday cadaadiskii nooc kasta lahaa ee maamulkii Siyaad Barre dulsaaray beeshaas.

Ururka SNM wuxuu muujiyay isku duubnaan aysan beeshu u lahayn taariikh iyo in uu kasbado shacbigiisa inkastoo mas,uuliyiinta maamulka ka matelayay Gobollada Woqooyi ay ahayeen kuwo garaadkoodu sareeyo, waayo waayo iyaga aya shacbiga qasab kaga dhigay in uu maciinsado SNMta, markii ay qabiil ahaan gaar kala mareen Dil, Dhac, Boob iyo barakicin aan cidna loogu turin.

Jabhadaha Soomaliyyed dhamaantood waanu inii soo gudbin doona. Hadu alle yidhaah

mr:Abdikarim Ahmed Hussein.        skyword268@hotmail.com

 

 

Ka Daawa Halkan - Ibraahim Cali Barre (Canjeex) oo laga waraystay xasuuqii Jasiira ee Muqdisho July-7-1989 

 
 

 

mailing list/ Enjoy

La soo xidhiidh Togdheer.c4t.com  

Ku qor Magacaaga iyo Emailkaaga

Magaca:
Emailka:  
Subscribe      Unsubscribe

 

World Links

Al-Jazeera. Powred by Togdheer.4t.com



Al-Qudus  Arbi.Powred by Togdheer.4t.com




Al- Arabia. Powred by Togdheer.4t.com



Asharqul Awsat.Powred by Togdheer.4t.com




Codka Amerika. Powred by Togdheer.4t.com




AFP . Powred by Togdheer.4t.com



BBC SOMALI.Powred by Togdheer.4t.com
 


Reuters .Powred by Togdheer.4t.com



Association Press. Powred by Togdheer.4t.com

All rights reserved togdheer.4t.com / Abdi karim Ahmed Hussein.