SHEEKOOYIN QOSOL AH, IYO MUDA DAALO
Read The 20 Century
Abtirsiga Soomaliyeed
Sheekooyinkii Kun Habeen iyo Habeen
KU BARO COMPUTER-KA AFKAAGA HOOYO
RAAXADA GUURKA
SHEEKOOYIN QOSOL AH, IYO MUDA DAALO
TOGDHEER.4T.COM not for news
Maxaa lala kulma geeri kadib...!
Togdheer.4t.com Hoyga Heesaha soomaliyeed
Maqaalo Xiiso Badan
MUCJISADII DAHSOONAYD waa sheeko dhab ah
QAADKA IYO DHIBAATOYINKIISA
Ganacsiga, Guurka iyo Wax yeelada
Taariikh Soomaliyeed: Waagi Faraacinta ila iyo Dagaladi Sokeeye
WAAX MAXAY JACAYLKU MA IS WAYDIISAY WALI?
Warar Goos-Goos ah.
XUSUUSNAW WALIGAA
Breaking the Magician's Code: Magic's Biggest Secrets Finally Revealed
Silsilada Ururada Diiniga Ah ee Somalia
Guest Book
Welcome To My Homepage
Welcome To My Homepage
Welcome To My Homepage
ILA QOSOL
waxaa kuu diyaariyay ENG: ABDIKARIM AHMED HUSSEIN aniga oo saamayn gaar ah u yelay sheekooyinka soomaaliyeed.
KEE BAA UGU CAAJIS BADAN
Saddex nin ayaa ku murantay in midkoodba midka kale ka caajis badan yahay, Dabadeedna way isu gar dhigteen si loo kala bixiyo loona soo saro kooda qaada horyaalka caajisnimada.
_Mid ayaa yiri : Anigu waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday ,dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qoraxda ka kaco dushiisana ay ku dhamaatay ilaa ay qoraxdii ku dhacday dhinaca kale.
_Midkii labaad ayaa isna yiri: waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa aan ka bakhtin gaaro!
_Midkii´sadexaad ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya , markaasu gacanta meegaartay (HAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan hadli karin caajisnimo darteed.
MAAN WADA TUUGSANO.
Nin tuugsade ah ayaa habeen habeenada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yiri "Magana alle" waxay ku yiraahdeen "allah ha ina siiyo" markaasu yiri "Xataa jab muufo ah oo qalayl ah maad isiisqaan" markaasay yiraahdeen "ma haysano" markaasu yiri " Xooga har haraa ahna maa isiisaan" markaasay yiraahdeen "ma awoodi karno" Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yiri "Hadaba galaas biyo ah isiiya" Hase ahaate waxay ku yiraahdeen " biyo nooma yaalan " Kolkaasu ku yiri " waa maxay meesha aad fadhidaan ,ina mariya aan wada tuugsanee ileen idinkaa iga mudan in la tuugsadee".
QOF WALBA U MUUQO ,ANIGASE ISKA KAY QARI
Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo , Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin doonto ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.
Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo ku goobatay. Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii waxay juxa ku tiri " juxoow, nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa aan iska asturayo iyo kuwa kale" Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay " Dadka oo dhan u muuqo , laakin aniga iska kay astur".
MAY KAAS BADALAAN.
Nin xoolo dhaqato ah oo magaalada u yimid inuu ka dhamaysto dano uu laahaa , ayaa maalin maalmaha ka mid ah u daawasho tagay ciyaar dhex maraysa laba kooxood, ciyaartaas oo ahayd mid aad iyo aad u adago ninkii reer miiga ahaa wuxuu arkay ciyaarahan isaga ula muuqda inuu si wanaagsan u cayaarayo oo la bedelayo garoonkana ka sii baxaya markaasaa ninkii reer miiga ahaa intuu dhiniiciisa midig eegay ayuu ku yiri nin ag fadhiyay " Inta ay ciyaaryahankaas beddelayaan may kan dharka madmadaw sita badalaan, oo aan isagu marnaba taaban banooniga halka ay ka badalayaan caayaartoogaas "!! wuxuuna kan dharka madmadaw ula jeeda garsooraha cayaarta .
DHABCAALKII ADDUUNKA.
Mid ka mid ah dhabcaalada (bakhaylada ) aduunka ugu waawayn ayaa xaaskiisa waxay u keentay cunto. Xaaskiisa oo si wayn uga heli jirtay inay gacaliyaheeda cuntada la cunto ayaa soo garab fariisatay waxayn guuda galeen inay isla cunaan markay xoogaa wada cunayen ayaa ninkii ku yiri xaaskiisi "cuntadu way macaan badnaan lahayd hadaan cirriiri jirin" Xaaskiisi ayaa iyadoo yaaban ku tiri " waa maxay ciriirigu ? waa aniga iyo adiga uunee " markaasa wuxuu ku yiri " Waxaan jeclaan lahaa inaan noqono aniga iyo saxanka oo kaliyah ".
FARXAD & NAXDIN LOO DHINTAY.
Labo nin oo ka mid ah ragga isticmaala daroogada ayaa isku qabsaday waxay wado diyaarada hawada maraysay, Mid wuxuu yiri " Diyaaradu waxay waday dad rakaab ah" Halka kan kale uu yiri " Diyaaradu waxay wadaa wafdi" markay murankoodi isla dhaafi waayeen ayeey go,aansadeen inay iskula tagaan saaxiibkood oo sidoo kale ah isaguna ragga daroogada isticmaala. Markay u sheegeen arrinkii ay isku haysteen ayuu u balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu kala garsoorayo. wuxuuna hadalkiisi ku bilaabay "Nimanyahaw i dhegeysta, diyaaradu rakaab ma wado oo hadii ay wado waxay istaagi lahayd boosteejooyin badan. wafdina ma wado, oo hadii ay wado waxaa horsocon lahayd mootada taraafikada ee horkacda baabuurta waftiga lagu qaado. Hadaba ruux kale ma wadee, waxay waddo waa aniga!"
YAA DARAN.
Nin ayaa wuxuu u tagay dhaqtar wuxuuna ka codsaday inuu raaci si u wax uga qabto xaaskiisa oo xanuusan, isagoo sidoo kale u sheegay dhaqtarka in xaaskiisu waalan tahay. Dhaqtarkii ayaa ku yiri " sideed ku ogtahay inay xaaskaagu waalan tahay?" Ninkii ayaa yiri " waxay doonaysaa inay soo iibsato neef ari ah " Shaqtarkii oo yaaban ayaa yiri " oo maxaa ku jaban haddey soo iibsato"
Nikii aad ayuu uga xanaaqay hadalka dhaqtarka wuxuuna u qaatay in dhaqtarku ku jeesjeesayo, wuxuu yiri " waxay doonaysaa inay ku xanaanayso qolka jiifka" Dhaqtarkii ayaa isna yiri " iska dhaaf ha ku xanaanaysee" Ninkii ayaa yiri "hawada qolka ayaa xumaanaysa" Dhaqtarkii ayaa yiri " daaqadaha iska fur" Ninkii ayaa ugu jawaabay 2 waxaan ka baqayaa inay qoolaydu iga baxsato" Dhaqtarkii ayaa yiri " xaggey ka imanaysaa qoolayda aad sheegaysaa?" Ninkii ayaa yiri "sariirta hoosteeda ayay ku jirtaa, oo aan mudaba ku barbaarinayay"! Dhaqtarkii ayaa yiri " Hadaba labadiina yaa daran".
JUXA IYO MEYD
Juxa oo si aad ah dhimashada u neceb ayaa maalin la soo hor mariyaya meyd naxash lagu wado ,markaasaa la waydiiyay " juxaw marka meydka naxashka lagu wado dhankee wanaagsan inaad ka socoto , hor mise gadaal mise hareeraha ?" juxe wuxuu si degen u yiri " Meeshaad doonto ka soco , waxaa ugu muhiimsan inaadan noqonin kan naxashka lagu wado".
LABA DOQON OO IS DHALAY
Nin doqon ah ayaa ku yiri wiilkiisa oo isna doqon ah " maalinkii aan ku tukanay salaada jimcaha masjidka hebel, goormay ahayd"? wiilkii ayaa ku jawaabay " aabe waan halmaamay, waxaanse u malaynaya inay ahayd maalin Talaado ah " Abihii ayaa isaguna ugu jawaabay 2 Waa runtaa"
HABEEN IYO MAANLIN
Laba nin oo tuugo ah ayaa usoo dhacay goor habeen ah guri uu lahaa nin isagun tuug wayn ah, laakiinse iyaguse aysan aqoonin, labadii nin ee tuugta ahaa gudaha ayeey usoo galeen qolkii uu jiifay , Isaguna inta uu is hurdisiiyay ayuu markii ay bartamihii guriga soo gareen oo ay ku dhaqaaqeen in ay raadiyaan wax ay xadaan ayuu tuugi guriga lahaa maradii iska qaaday wuxuuna si dagan u yiri " War waxan aa habeenkii raadinaysaan anaagaa maalin cadaydii waynay ee raali ahaada akhyaareey".
YAAB, YAABKIIS, AMAKAAG IYO ARGAGAX.
Oday ayaa caruur dudun hoos harsanaya u yimid, maraaksuu ku yidhi " hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiis halna waa amakaag iyo argagax 1. Dudun aboor baa dhisay waa yaab 2.Misana habeenkii buu dhisaa waa yaabka yaabkiis 3. Hadana candhuuftiisa iyo ciid buu ku dhisaa waa amakaag iyo argagax.
JUX IYO NIN XAMAALI AH.
Juxa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo aaday suuqa si uu u soo iibsado kiish bur ah, markuu iibsaday kiishkii burka ahaa ayaa wuxuu u yeertay xamaali si uu ugu geeyo gurigiisa . Juxa markay isi sii raaceen ninkii xamaaliga ahaa, ayaa waxay soo dhex-mareen meel suuq ah oo ay dadku aad ugu badan yihiin , Muddo ka dib juxa iyo ninkii xamaaliga ahaa ee waday kiishka burka ah ayaa ku kala lumay suuqa dhexdiisi, inkastoo uu juxa si aad ah u raadiyay ninkii xamaaliga ahaa, haddana markii danbe wuu ka quustay inuu arko wuxuuna iska aaday gurigiisi.
Maalmo ka dib juxa wuxuu arkay ninkii xamaaliga ahaa, hase ahaate juxa wuu ka dhuuntay xamaaligii . Qaar ka mid ah asxaabtii juxa ayaa su,aalay sababta uu juxa uga dhuuntay ninka xamaaliga ahaa oo kiishkaagi burka ahaa la maqan, hase ahaate juxa ayaa ku jawaabay " waxaan ka baqayaa inuu i waydiisto lacagtii xamaaliga".

Nin maalin kuma gaartid Nina sanad kuma gaartid Nin waligaaba ma gaartid. 1.Nin kaa faras wanaagsan maalin kuma gaartid 2.Nin xoolihiisa goofkaada mid ka doog badan daaqsadayna sanad kuma gaartid 3. Nin kaa naag wanaagsana waligaaba ma gaartid SADDEX ALEE WAA AWOODA MASE YEELO 1. Camal falan maaye ha i cadaabin 2.Xoogsan maaye xoolo isii 3.Guursan maaye ha i gablamin SADDEX BULSHADAA KUGU NACDA 1.Xishood la aan2 2.Xoolo la aan 3.Xilo la aan SADDEX ALLE AYAA KUGU NACA 1.Salaad la,aan 2.Soon la ,aan 3. Seko la,aan SADDEX HAWEENKA LAMA WAYDIIYO 1.Meeqa ayaad jirtaa 2. Meeqa ayaad dhashay 3.Meeqa ayaa ku soo furay RAGGU SADDEX WAA ISKAGA MID 1. Magac 2.Magta 3.Mganka SADDEX SADDEX LAGA JECLAADO Ninku haduu saddex saddex ka jeclaado wuu gaboob 1.Hilib haduu garab ka jeclaado 2.Caano haduu barax ka jeclaado 3.Haween haduu garoob ka jeclaado SADDEX WAA LAGU DADAALA 1.Diinta 2.Ducada waalidka 3.Deris xaq-dhawarka SADDEX SADDEX LAGAMA DAAYO 1.Rag shir lagama daayo 2.DUMAR SHEEKO LAGAMA DAAYO 3.Xoolana shanqar ( U-heesid ) lgama daayo BOOQASHO FAA´IDO LEH Hadii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay xoriyadu leedahay, waxaad booqataa xabsiga nolashaada mar. Hadii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay dabeecada wanaagsani leedahay , waxaad booqataa maxkamada sanadkiiba mar. Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha ay nolushu leedahay, waxaad booqata qubuuraha lixdii biloodba mar. Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha caafimaadku leeyahay, waxaad booqata isbitaalka bishii mar. Hadii aad doonaysid inaad garato qiimaha ay quruxdu leedahay, waxaad booqata beeraha todobaadkii mar. Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha uu caqligu leeyahay, waxaad booqataa maktabadaha maalintii mar. Hadii aad doonaysid inaad ogaato qiimaha ay nicmada noloshu leedahay, waxaad (Xusuusataa) Eebaha mar walba.
| ||||||||||||||||||







